DF oo diyaarisay sharci lagu xakameynayo arrin kusoo badatay Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cisman Xaaji Maxamuud Dufle ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay labada Gole ee Baarlamaanka XFS usoo gudbisay sharci ku saabsan nidaaminta daawooyinka aas-aasiga ah ee ganacsi ahaan loo keeno karo gudaha dalka.

Senator Dufle ayaa waxa uu sheegay in sharcigan oo lagu xakameynayo daawooyinka ay dhalinyaradu u isticmaasho sida qaldan ee kusoo batay gudaha caasimada, islamarkaana uu wax badan ka tari doono la-dagaalanka madooriyaha ee dowladda ay ka waddo magaalada Muqdisho.

“Sidii dowladdii u burburtay majiro sharci xakameynaya arrimaha daawada. Hadda waxaa socda sharci la yidhaahdo sharciga daawada oo soo gudbisay wasaaradda caafimaadka oo yaalla golaha shacabka oo hadda marka laga noqdo fasaxa la guda-galayo oo la rabo in laga doodo oo marka uu Golaha Shacabka kasoo gudbo uu Aqalka Sare imaan doono.”

Senator-ka oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta dowladda ayaa xusay in sharcigaan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda caafimaadka XFS uu ujeedku yahay “in si wada-jir ah looga hortago daawooyinka ganacsiga ,gaar ahaan kuwa loo isticmaalo sida qaldan.”

“Wixii la hubin jiray inay faro ka bax noqdeen, oo farmashiyaashii yaallan sidii nac-nacii oo kale. Tramdol-ka wiilka dhalinyarada ah waxa uu kala farmashiyiha iyada oo dhakhtar usoo qorin oo waxyaabaha dhibaatooyinka ah ayay kamid tahay,” ayuu yiri Senator Cismaan Xaaji Dufle.

Dufle ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in sharcigaan dhawaan soo bixi doona, uu wax badan ka tari doono daawooyinka sida qaldan loo isticmaalo, taasi oo dhibaato horleh ku haysa caasimada, loona isticmaalo sida maandooriyaha oo kale.

“Sidii burburka u dhacay wasaaradda caafimaadka wax hubin ah kuma lahan, ganacsato ayaa iska wadata oo soo dagsaneysa daawooyinkaas oo suuqa Bakaaraha ayay geynayaan oo farmashiyihii ka qaadanayaan, taas waaye dhibaatada meesha ka imaaneyso oo dhalinyaradana ka helayaan.”

Hoos ka daawo muuqaalka