Daawo: Maxaa ka jira in Taliska Xabsiga Dhexe uu qoraxda ka iibiyo maxaabiista?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidnaka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Taliye Shub) ay u yaqaanaan ayaa maanta soo bandhigay n atiijada baaritaan maalmahaan ka socday xabsiga dhexe ee Xamar oo ah xabsiga ugu weyn magaalada Muqdisho.

Waxaa dhawaan soo baxay eedeymo sheegayey in maxaabiista loo diido qoraxda inay arkaan oo mararka qaar lacag lagu xujeeyo si banaanka loogu soo bixiyo oo qoraxda loo tuso.

Sidoo kale eedeymaha loo jeediyey maamulka Xabsiga waxaa ka mid aheyd in lacag lagu xukeeyo dadka booqashada ugu imaanaya xubnaha ehelkooda ah ee ka xiran.

Taliye Mahad oo maanta qabtay xaflad uu ku soo bandhigay natiijada baaritaan uu sheegay in lagu sameeyey eedeymahaas wax aka jira ayaa beeniyey tuhunkaas.

“Markii warkaani soo baxay waxaan deg deg u magacaabay guddi uu nin janan ah hoggaaminayo, waxaa la bilaabay baaritaan culus, si bulshada na heysata aan ula wadaagno natiijo sax ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay sabab keentay in la faafiyo been abuurkaas, sida uu hadalka u dhigay, taas oo ah in xabsiga laga joojiyey booqashadii dadweynaha.

“Natiijada noo soo baxday waxay sheegeysaa in qoraxdaa nalaga gadaa ay been noqotay, raashinkii ayaa la xumeeyey sidoo kale waa been, waxaana soo ogaanay sababta sidaas lo yiri, muhiimadda been abuurkaas loo faafiyey waa booqashadii aan joojinay, si taas loogu fasaxo ayaa naloo jaa’ifeeyey,” ayuu yiri Taliye Mahad.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in subax kasta muddo hal saac ah maxaabiista la keeno banaanka, si ay u qoraxeystaan, “Hal saac ayaan uga dhignay, iyadoo sharcigu u ogolaanayo nus saac,” ayuu yiri.

Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa hadda fasaxay arrintii ay cabashadaan ka bilaabatay oo ah booqashada ehellada dadkoodu uga xiran yihiin Xabsiga Dhexe ee Xamar.

“Hadda waxaan u ogolaanay booqashadii, Talaado, Arbaco iyo Khamiis waxaa la ogolyahay in ehelladu soo booqdaan maxaabiista laga hayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Hoos ka daawo