FAYSAL Cali Waraabe oo shaaciyey arrin ay ka wada-hadleen CC Shakuur

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa Mas’uuliyiin ka socday Somaliland oo magaalada Nairobi kulan kula yeeshay C/raxmaan Cabdishakuur, ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha ay ka wada-hadleen.

Faysal ayaa sheegay inay la kulmayaan cid-kasta oo ay ka dhex arkaan danta Somaliland oo weliba qadiyadooda fahamsan.

Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur iyo xisbiyada kale ee Soomaaliya ay ku marti-qaadi doonan magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Faysal oo ka waramaya waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankii ay la qaaten Gudoomiyaha xisbiga Wadajir, ayaa waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna yiri

“Hogaamiyaha mucaaridka ah ee xisbiga Wadajir iyo kuwa kaleba waa la kulmeyna, anaga waxa weeyi qofkii danta Somaliland ay nagaga xirantahay weliba qadiyadayada fahamsan waanu la kulmeyna”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Anagu waxaanu jecelnahay xisbi ahaan in aanu ku casuumno gedigoodaba Hargeysa oo aanu tobabarna aanu siino, Siminaro siino, arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland aanu ka wada sheekeysano sidii loo kala dhameystiri lahaa, markaa waanu soo dhoweynaynaa”.

Guddoomiye Faysal ayaa wuxuu ugu dambeyntiina sheegay in dowlada Somaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay gaabis badan ka muujisay wada-hadaladaasi, isagoona ka dhawaajiyey inay weli u tahli laadahay hagaajinta dalkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com