Faysal Cali Waraabe oo u gafay beesha Dhulbahante – ‘Nafta ayey noo keeneen’

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaameel ka dhac weyn u geystay beesha Dhulbahante, isagoona ka hadlaykhilaafka Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xigeenkiisa.

Faysal Cali Waraabe ayaa si cad ula saftay madaxweyne Deni oo uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Ku-xigeenkiisa Karaash, oo isagu dhawaan sheegay inaysan salaanta iska qaadin Deni.

Faysal ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Dhulbahante ay ‘khaati’ ka taagan-yihiin, isagoona xusay in Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, Baashe oo beeshaasi kasoo jeeda uu hor-taagan yahay qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Faysal ayaa sidoo kale Madaxweyne Deni ugu baaqay inuu gebi ahaanba ka takhaluso Karaash oo xiligan khilaaf ka dhex aloosanyahay, maadama uu awoodiisa ku haysto, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii soo dhaweeyay Baaqii dhawaan kasoo baxay qaar kamid ah Bulshada reer Somaliland, kuwaasi oo si weyn uga horyimid hogaaminta Muuse Biixi iyo gooni isku taaga Somaliland oo mudda 29-sano ah kadib aan midho dhalin.