‘Aamusnaanta madaxda DF ee xasuuqii dhallinyarada waa tusaale u taagan naceyb’

Balcad (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyey inay ka aamuseen xasuuqii deegaanka Gololey loogu gaystay sagaal dhallinyaro oo ahaa xirfadleyaal caafimaad.

Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa ku sheegay in aamusnaanta madaxda dowladda ee dhacdadan ay muujineyso “heerka naceybka loo qabo dadka ay kasoo jeedaan dhallinyarada”

Mahad oo qoraalkiisa soo raaciyey sawir ayaa yiri “Meydadkan idiin muuqda waa Dhalinyaradii Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku xasuuqeen Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe. Dhacdadaan foosha xun ilaa hada madaxda dowlada Soomaaliya kama hadlin, dhacdooyin ka yar yar ayayna la qaylo dhaamin jireen, marka adigu iska garo, waa tusaale ku filan in aad fahamto heerka uu gaarsiisan yahay naceybka laguu qabo.”

Waxa uu intaas ku daray: “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto’. Waxaan idiin sheegayaa hadii aan laga dhiidhiyin dhacdadaan foosha xun, gacan ku dhiigleyaashiina la soo qaban, laguna qasqaasin isla deegaankii ay xasuuqa ka gaysteen, caawa halla iga qoro “berri waxaad arki doontaan kuwa aan haybtooda la aqoon iyo calooshood u shaqaysteyaal la idiin soo kiraystay oo darsin-darsin dariiqyada idinkugu laynaya.”

Qoraal kale ayuu sidoo kale xasuuqaas ku eedeeyey ciidamada dowladda isaga oo yiri “Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka afduubteen 8 qofood dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo halkaas ku taala kadibna ay xasuuqeen.”

“Waan cambaareynaynaa falkaan argagixiso ee ciidamada dowlada ka geysteen deegaanka Gololey waxaanan ku baaqaynaa in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno ciidamadii iyo saraakiishii xasuuqaan bini-adamnimada ka baxsan geystay.”