Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay xasuuqi loo gaystay dhalinyarada Gololey

Galoleey (Caasimadda Online) – War saxaafadeed kasoo baxay ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Isku duwaha Arrimaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii tuulada Galoleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay 7 dhalinyaro ah iyo hal qof oo rayid ahaa.

Waxaa uu soo jeediyay in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdada lagu dilay dhalinyarada.

“Marnaba lama aqbali karo in la weeraro shaqaalaha caafimaadka taasi oo xaadgudub ku ah xeerarka arrimaha bani’aadanimada,” ayuu yiri.

Qaramada Midoobey waxay sidoo kale sheegtay in dilka howl-wadeenadan caafimaadka uu imaanayo xilli dowladda Soomaaliya ay la daala dhaceyso xakameynta safmarka Korona, wax ka qabashada daadadka iyo saameynta ayaxa.

“Waa nasiib daro in weerarkan uu dhaco xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka sadexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo masiibooyinka kale ee uu la yimid ayax,” ayuu yiri Ku xigeenka.

Shaley galinkii dambe ayay aheyd markii maydadka 8 dhalinyaro ah lagu arkay duleedka deegaanka Gololeey oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaas oo isla shalay laga qafaashay deegaanka.

Ma cadda cidda afduubatay iyo cidda ka dambeysa dilkooda toona, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa isku raacay kuna eedeeyey ciidamada dowladda.