Soomaaliya iyo Qatar oo sheegaya inay dib-u-eegis ku sameynayaan xiriirkooda

Doha (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa dib u eegis ku sameynaya xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeeya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Qatar.

Qoraalkan oo lagu baahiyey wakaaladda wararka Qatar ee QNA, ayaa lagu sheegay in wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Qatar Sultan bin Saad Al Muraikhi uu Talaadadiii wicitaan taleefon ka helay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashida caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

“Wicitaanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dib u eegis lagu sameeyo wada-shaqeynta labada dhinac iyo danaha ay wada wadaagaan,” ayaa lagu yiri qoraalka, oo aan bixin faah-faahin intaas ka badan.

Qatar waa dowladda saaxiibka iyo xulufada koowaad la ah dowladda Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay inay ka dambeysay gacan weynna ku lahayd doorashadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Markii dalal Sacuudiga uu hoggaaminayo oo Carbeed ay xiriirka u jareen Qatar bartamihii 2017, dowladda Soomaaliya ayaa iska caabisay inay u hoggaansato cadaadis lagu saarayey inay qaaddoo tallaabo noocaas ah, ayada oo sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay. Si kastaba, go’aankaas ayaa lagu macneeyey mid lagu taageeray Qatar.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay la safatay Qatar, haddaan Qatar ayaa inta badan lagu eedeeyey inaysan gacan weyn siin Soomaaliya marka laga reebo taageerada shaqsiyaadka xukunka haya, ayada oo tusaale loo soo qaato mashruucyada Turkiga ay ka fuliyaan Soomaaliya, oo wax u dhow Qatar aysan sameyn.