Ciidanka Xoogga oo war ka soo saaray xasuuqa 8-da dhallinyaro ee lagu eedeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka, qeybtiisa 27-aad oo ka howlgala deegaanada Hir-Shabeelle ayaa iska fogeeyay dhacdadii lagu xasuuqay sideed qofood oo dhalinyaro xirfadleyaala ahaa.

Falka lagu dilay dadkaas ayaa ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo Arbacadii shan nin oo hubeysan, kuna labisan dharka militariga ay dhalinyaradaas ka kaxeysteen xarun caafimaad oo ay ka howlgelayeen, kadibna shalay oo Khamiis aheyd meydkooda lasoo dhigay laamiga.

Dadka deegaanka, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan ayaa militeriga Soomaaliya ku eedeeyay inay iyagu geysteen xasuuqaas, waxayna dadkii ku sugnaa halka laga ka xeystay dadka la dilay sheegeen in raga watay ay xirnaayeen Tuutaha ciidanka xoogga ee garabka ku leh calanka qaranka, balse uu afku u duubnaa.

Taliyaha guutada 3-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Abshir Maxamuud Shitaqey ayaa sheegay in ciidanka militeriga Soomaaliya ee ku sugan deegaankaas aysan wax lug ah ku laheyn dhacdadaas xanuunka badan.

Taliye Abshir Shitaqey oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay inay haatan ku jiraan baaritaano ku aadan sidii loo qaban lahaa ragii ka dambeeyay dhacdadaas lagu laayey dadka shacabka ah.

Taliyaha ayaa carabka ku adkeeyay in ciidanka xoogga dalka aysan ku lug laheyn falkaas, taas bedelkeedna ay u taaganyihiin difaaca dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna aysan ka suuroobin inay dilaan dadkii ay difaacayeen.

Deegaanka Gololey oo falkan uu ka dhacay saacado ka hor inta aan dadka la dilay laga wadan goobtii ay ku sugnaayeen waxaa ka dhacay qarax lagu dilay sideed oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, waxayna dadka deegaanku sheegeen in ciidanku ay ka carroodeen qaraxaas, isla markaana ay sidaas ku kaxeysteen dhallinyarada.