Qatar oo beenisay qorshe la sheegay inay ka damacsan tahay dalalka KHALIIJKA

Qatar ayaa Khamiistii beenisay inay qorsheyneyso inay ka baxdo Golaha Iskaashiga Khaliijka, xilli ay isku diyaarineyso inay xusto sanad guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay go’doomin ay geliyeen Sacuudiga iyo xulufadiisa.

Si kastaba, Qatar ayaa sheegtay in dadaallada ay wadaan saddex ka mid ah lixda dal ee xubnaha ka ah golahan ee siyaasd ahaan iyo dhaqalaha ahaan lagu god’oominayo Qatar ay keentay in dadka gobolka “ay shaki geliyaan su’aalana iska weydiiyaan” ururkan.

Wararka ku saabsan in Qatra ay ka baxeyso Golaha Iskaashiga Khaliijka ee fadhigiisu yahay Riyadh, islamarkaana la aas-aasay 1981-kii ayaa toddobaadyadii dhowaa ka xoogeysanayey caasimadaha Khaliijka, ayada oo diblomaasiyiinta iyo fallanqeeyayaasha siyaasadeed ay sheegayeen in arirntaas ay suurta-gal tahay.

“Warbixinada sheegaya in Qatar ay ka fakareyso inay ka baxdo Golaha Iskaashiga Khaliijka waa kuwa aan sax ahayn oo aan sal lahayn,” kaaliyaha wasiirka arrimaha dibedda Qatar Lolwah al-Khater ayaa u sheegtay AFP.

“Warar xanta ee noocaan ah waxay kasoo billowdeen dad ka walaacsan kana niyad jabsan kala jabka ku yimid golaha, oo ahaan jiray isha rajada iyo dhiiranaanta ee shacabka lixda dal,” ayey tiri.

“Innaga oo gaareyna sanadkii saddexaad ee go’dmoonita sharci-darrada ah ee Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ay geliyeen Qatar, ma ahan wax lala yaabo in dadka ay shaki iyo su’aalo geliyaan Golaha Iskaashiga Khaliijka, urur ahaan.”

“Qatar waxay rajeeneysaa in Golaha Iskaashiga Khaliijka uu mar kale noqon doono madal wada-shaqeyn iyo isku-xir. In Golaha wax ku ool noqdo waxaa iminka looga baahan yahay si ka badan abid, marka la eego caqabadaha uu gobolku wajahayo.”

Sacuud Carabiya, Imaraadka Carabta, iyo Bahrain oo ay wehliso Masar on aan xubin ka ahayn Golaha Iskaashiga Khaliijka, ayaa xiriirkii diblomnaasiyadeed iyo kii dhaqaale u gooyey Qatar bishii June ee 2017.

Afartan dal ayaa Doha ku eedeeyey inay aad ugu dhowdahay Iran, islamarkaana ay taageero dhaq-dhaqaaqyada Islaamiyiinta mayalka adag. Qatar si kulul ayey u beenisay eedeymahaas. Cuman iyo Kuwait oo ah labada dal ee kale ee golaha ku jira ayaa dhex-dhexaad ka noqday xiisadda.

AFP + VOA