Zamzam Foundation oo ka warbixisay qaabkii ‘ciidanka ay u wateen’ dhallinyaradii lagu xasuuqa Gololey

Balcad (Caasimada Online) – Hay’adda Zamzam Foundation ayaa qoraal ay soo saartay shalay gelinkii dambe uga hadashay habkii ay “ciidamada” u wateen sided dhallinyaro, oo kadib markii lasoo dilay meydkooda lasoo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhallinyaradaas ayaa sida ay hay’adda sheegtay waxay “ciidamada” ka wateen xarun caafimaad oo ay hay’addu maamusho. Hoos ka aqris qoraalka hay’adda oo dhameystiran.

Abaare 1:30 duhurnimo shalay oo ay taariikhdu ahayd 27/5/2020, waxaa xarunta caafimaadka Gololey (Gololey Health Facility), oo ka trisan degamada Balcad oo ay maamusho hay’adda Zamzam foundation soo galay ciidan ku labisan dareyska ciidanka oo hubaysan wejiyadana qarsaday waxayna kaxaysteen 7 ka mid ah shaqaalihii xarunta caafimaadka iyo qof ka mid ah dadka deegaanka, lamana garan halka ay u kaxaysteen.

Baadigoob kadib, maanta oo taariikhda tahay 28/5/2020 waxaa la helay maydadka 8-dii qof ay ciidanka afduubteen.

Shaqaalaha la xasuuqay ayaa ku sugnaa marka falka afduubka dhacayay xaruntooda kuna guda jiray hawlahooda caafimaad oo ay bulshada ugu adeegayeen.

Hay’adda Zamzam Foundation waxay cambaareyneysaa cidwalba oo ka dambeysay dilka xasuuq ah.

Waa dil wadareed arxan darro ah kana baxsan bani’aadanimada oo loo geystey dad berimageyda ah oo aan waxba galabsanin.

Waxaan hay’adaha amniga qaabilsan ee maamul goboleedka HirShabeelle iyo dawladda dhexe ka codsaneynaa in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo falkaas xasuuqa a , ciddii ka dambeyseyna sharciga la horkeeno.

Ugu danbeyn, waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhamaan qoysaskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeryoodeen marxuumiinta waxaan eebe ka baryeynaa inuu naxariista jano ka waraaabiyo.

انا لله وانا اليه راجعو