Faysal C Warabe oo shaaciyey qorshe uu wado oo la xiriira Cali Khaliif Galayr

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Faysal Cali Waraabe ahna guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa waxa uu ka hadlay golaha falanqeynta siyaasada waxa uuna ka hadlay qabka ay Somaliland ku wajahayso Cali Khaliif Galayr oo dhawaan loo doortay madaxweynaha Khaatumo.

Injineer Waraabe waxa uu sheegay inuu la hadlayo Galayr si uu ugala shaqeeyo danaha Somaliland, waxuuna tilmaamay inuu yahay Cali Khaliif aqoon-yahan Somaliland ah oo aysan ka marmin isaguna uusan ka marmin.

“Cali Khaliif waa inan-kayagii waa aqoon-yahankeeni waan la hadlayna anniga la hadlaya madaxweynaha la hadlaya,hadda ka horna waan is aragnay,annagu waxan jacel-nahay qof walba oo reer Soomaaliland ah la haaajiyo,Soomaaliland la’aanti ma soconayso isagana la’aanteen ma soconayso,waana la hadlayna” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayay sababta ilaa hadda ay Somaliland jawaabta uga bixin la’dahay baaqii Galayr.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxaa uu si cad u sheegay in shaqi ahaantiisa uu ka shaqeynayo sidii ay u wada-hadli lahaayeen Somaliland iyo madaxweynaha Khaatumo.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlla inta badan xaaladda Somaliland ayaa xaqiijiyay muhiimada uu maamulka u leeyahay aqoon-yahanka Galayr, waxuuna tilmaamay inuu billaabi doono sidii uu madaxweynaha Khaatumo uga mid noqon lahaa Soomaaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay ka goosteen Soomaaliya, balse gobollada SSC oo ay ku muransan-yihiin Puntland iyo Somaliland waxaa uu sheegay Faysal Cali inay ka tirsan-yihiin Somaliland taasna ay ku qasbayso inay la hadlaan Cali Khaliif .

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa horay ugu baaqay Somaliland in wada-hadallo lugu dhammeeyo muranka xadduudka, waxuuna tilmaamay gobollada Khaatumo inaysan ku biiri doonan Soomaaliland.

Ciidan ka amar qaata Somaliland ayaa dhowr mar weerar ku soo qaaday deegaannada ay ku sugan-yihiin madaxda Khaatumo.

Isha: RBC