Garoonka diyaaradaha Adan Cadde oo laga sheegay arrin fadeexad ku ah DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Bakhaaro lugu gado Khamriga ayaa ku yaalla gudaha garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sidaas waxaa sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir.

Axmed Cali Daahir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho waxuu sheegay inay ka warhayaan xarumo lugu iibiyo Khamriga iyo wax-yaabaha maanka dooriya oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Waxaan xog ku hayna in bakhaaro Khamriga lugu iibiyo ay ku yaallan garoonlka diyaaradaha Muqdisho, waan u digayna cid walba oo dukaanada ku lug leh, wadankeena mamnuuc bay ka tahay,  tallaabaan ka qadeynaa, waana xirayna” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxuu sheegay inay dadaal ku bixin doonan sidii looga hortagi lahaa ganacsatada dalka soo galinaysa maan dooriyaha oo aysan diinteenu ogaleyn in dadka muslimka ah ay isticmaalan.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyinta gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha Muqdisho,waxaana suragali wayday xiriir an la sameynay.

Arrintan ayaa haddii ay run noqoto waxa ay fadeexad weyn ku tahay dowladda Soomaaliya, waxayna ka carreysiin kartaa shacabka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com