Fowsiya oo dhaqaale siisa Somaliland iyo warar la xiriirinaya musharraxnimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay dhaqaale iyo taageero siiso maamulka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa inoo xaqiijiyay in bil waliba ay Marwo Fowsiyo bixiso lacago canshuur ah taasi oo ku dhacda wasaarada maaliyada, waxaana la sheegayaa in bixinta lacagahaasi ay bilowday markii laga qaadi rabay xilka wasaarada arrimaha dibada DF.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Fowsiya ay doorashada maamulka Somaliland ay ka qeybqaadan doonto, sidaa darteedna ay qasab ku tahay bixinta canshuuraha.

Warar kale ayaa Iyana sheegaya in Fowsiya aysan doorashada ka qeyb galeyn, balse ay dhaqaale ugu yaboohday mid kamid ah Musharaxiinta, oo haddii uu doorashada ku guuleystana xil muhiim ah u ballan qaaday.

Siyaasada cusub ee Xildhibaan Fowsiya, ayaa waxa ay ka danbeysay kadib markii ay isku xumaadeen Madaxweyne Xassan Sheekh taasi oo ku dhalisay inay raadiso qaabka ugu sahlan oo ay xil sare uga qaban laheyn Maamulka Somaliland.

Lama Oga heerka uu gaarsiisan yahay dhaqaalaha ay bil waliba ku bixiso canshuurta Somaliland, inkastoo xildhibaanka uu sheegay in ay bil dhaaf u bixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com