Magacii qurba joogta Washington DC & hareeraheeda oo laga been abuuray

Washington DC (Caasimada Online) – Munaasabad kooxda Global Somali Diaspora, oo marka lasoo gaabsho loo yaqaano GSD ay lacag badan uga uruurisay dad ku nool Waqooyiga America, ayaa iminka su’aalo iyo shaki badan laga keenay.

GSD, ayaa Ocrober 18, 2014 waxaa dad sheegtay in aay yihiin hogaanka kooxdaas ee North America ay Washington DC ku qabteen xaflad casho oo loogu magac daray Isku xirka iyo Midaynta Qurbojoogta Somalia ee Calaamka. Dadkii ka ka qayb galay munaasabaddaas, ayaa waxa qofkiiba laga qaaday $25.00, balse jiritaankan ururka ayaa dood ka taagan tahay.

Dadkii kasoo qeyb galay munaasabaddaas, ayaa siyaabo kala duwan loogu sheegay ujeedada iyo isku imaatankan ka dambeysay munaasabadda. Qaar waxay ku imaadeen in Soomaalida ku nool Washington DC, Maryland Iyo Virginia aa ka tashanayaan danahooda, qaarna waxaa la yiri koox dalka Turkey mar aan sii fogeen tagay ayaa warbixin siin doona Soomaalida. Sidoo kale qaar ayaa loo sheegay in nin Arizona ka yimid oo Digil iyo Mirifle ah casho soo dhaweeyn ah loo sameeynayo uuna ka khudbeyn doono.

Waxaa intaa ka sii daran waxaa halkaa joogay Safiirka Somali u fadhiya America Omar Abdirashid, oo illaa hadda aan la ogeyn isna meesha lagu soo qalday iyo in kale.

Dadkii ka qeyb galay xafladda, ayaa illaa iyo hadda garaneyn sababta magacooda looga been abuurtay, maadaama hadallo is-qilaafsan ay kasoo baxeen ujeedka kullanka, waxayna sheegeen inaysan jirin koox GSD la yiraahdo oo ayaga matasha, islamarkaana magacoodalooga been abuurtay.

W/Q: Qaalid oo jooga DC