QM oo ka walaacsan dagaal shidaalka Somalia ku saabsan oo ka dhex qarxa..

Nairobi (Caasimada Online) – Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cuna-qabateynta hubka saaran Somalia iyo Eritrea ayaa ka digey xasillooni darro ka dhalata waqooyiga Soomaaliya, kadib markii maamulka Somaliland dhowaan [Sept 27, 2014] meel mariyey dhismaha ciidamo gaar ah oo hawshoodu noqon doonto ilaalinta goobaha shidaalka laga baarayo laguna magacaabo OPU (Oil Protection Unit).

Inkastoo Somaliland ku wargelisey 8-da xubnod ee gudiga baarayaasha madaxa bannaan ee Qaramada Midoobey ka kooban yahay inay ka go’an tahay dhowrista cun-qabateynta hubka, waxay hadana tallaabadaasi horseedi kartaa iska hor imdaadyo hubeysan, gaar ahaan gobolka lagu muransan yahay ee Sool ku dhex mara ciidamada Putland iyo kuwa Somaliland.

Iyadoo la tixraacayo macluumaadka aan dhameystirneyn ee dabeecada gobolka Sool uu ka bixiyey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, kooxda dabagalka cuna-qabateyntu waxay walaac ka muujisay ciidanka OPU waxayna Somaliland kula talisay inaysan isku dayin hub iyo tababareyaal inay dibadda ka keensato iyadoo aan haysanin ogolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Kooxdu waxay dalbatay wadahadal siyaasadeed si loo xalliyo muranka la xiriira qaybinta khayraadka Soomaaliya iyo in la joojiyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee la xiriira shidaalka” warbixinta ayaa sidaa lagu sheegay.

Kadib markii ay la hadleen shirkadda Assaye Risk oo ah shirkad ka shaqeysa qiimeynta khataraha iyo dhismaha ciidamada gaarka ah, baareyaasha Qaramada Midoobay waxay ogaadeen in Somaliland diyaarisay ciidan ka kooban 580 askari oo laga soo xulay booliska iyo ciidamada qalabka sida.

Shirkaddaas oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada OPU ka koobnaan doonaan lix horimood oo guur guura mid kastana 36 askari ka koobnaan doonto, ciidankaaso shaqadiisu noqon doonto inay raacaan islamarkaana ammaankooda sugaan shaqaalaha shirkadaha shidaalka.

Somaliland ayaa heshay shatiga shidaal baarista kadib muddo dheer oo ay caqabad ku ahaayeen Dowladda Federaalka iyo Puntland waxayna heshiisyo shidaal baaris ah la gashay shirkado ay kamid yihiin: Genel Energy, Rakgas, DNO and Ansan Wikfs, kuwaasoo dhowaan hawlaha sahaminta shidaalka deegaano Somaliland ka tirsan ka bilaabi doona.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ee la hadlay Caasimada Online, ayaa walaac ka mujiyey maamulka shidaalka iyo gaaska Somalia, xilli khilaaf xooggan oo salka ku haya heshiisyada lala gelayo shirkadaha shidaalku u dhexeeyo Dowladda Federaalka ee fadhigeedu magaalada Muqdisho yahay iyo maamullada kale ee ka tirsan Federaalka.

Bishii April 25teedii ciidamda Somaliland waxay qabsadeen tuulada Holhol oo ku taalla gobolka Sool iyadoo sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidamadu qabsadeen dhawr goobood oo istaraatiiji ah islamarkaana shidaalka qani ku ah.

Puntland iyo Somaliland oo labadooduba ku yaalla waqooyiga Soomaaliya waxay laga soo bilaabo sanadkii 2000 ku muransanaayeen gacan ku haynta gobollada Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com