Cabdi Weli oo kullamo qarsoodi ah ka wada Nairobi, xilli uu taageero badan ku lumiyey heshiiski Garowe + Khilaaf

Nairobi (Caasimada Onine) – Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed, oo maalintii 5-aad ku sugan Hotelka Heingways ee ka mid ah Hoteelladda 5 Star-ka ee ugu qaalisan magaalada Nairobi, ayaa kulamo la yeeshay diblomaasiyiin caalami ah iyo siyaasiyiin iyo waxgarad ku hayb ah Ra’isul wasaaraha.

Cabdi Weli waxa uu qeybta uu ka deggan yahay Hotelka Hemingways Kulamo kala gaar ah kula yeeshay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Ambassador Nicholas Kay oo Transit ku ah Nairobi, Siyaasiyiin iyo Ganacsato ku hayb ah Ra’isul wasaaraha.

Kulankaasi ayaa waxaa la sheegay in culayska lagu saaray Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, inuu taageero kalsooni leh ka helo Beeshiisa iyo Beesha Caalamka iyo talooyin ku aadan sidii uu Ra’isul wasarae C/weli Sheekh Axmed uga gaashaaman lahaa inuu si fudud ku lumiyo Xilkiisa.

Kulanka Ra’isul wasaaraha ku qaabilayey Ergooyinkaasi ayaa waxa ku wehlisay Xoghayntiisa oo keliya, iyadoo ay Kulamadaasi dibed-joog ka ahaayeen Wasiiro-dowlayaashii isaga ku wehliyey Safarkii uu ku tegay caasimadda dalka Burundi ee Bujunbura, kuwaasi oo maanta iyagoo saluug qaba dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed waxa uu Kulan mar-la-arag ah la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ee Somaliland, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Ma jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay Kulankooda oo ahaa mid uu albaabadda u xirnaa, iyadoo ay Ra’isul wasaaraha ku wehlisay Xoghayntiisa ah oo keliya.

Kulamadda uu Ra’isul wasaaraha ku leeyahay magaalladda Nairobi ayaa ku soo beegmayo iyadoo la hadal hayo inuu soo laba kacleeyey Khilaafii kala dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guuxa Siyaasadeed ee ka dhex jira Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka iyo Shaarica Muqdisho ayaa muujinaya inay Taageeradda Ra’isul wasaaraha shiiqday tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu bishan 14-da saxiixay Heshiiskii Xukuumadda Federalka iyo Maamulka Puntland ku gaareen magaalladda Garowe.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in khilaafka Labadaa Mas’uul saamayn ku yeelan karto Taageeradda Beesha Calaamka ee Dowladda Federalka, iyadoo Ra’isul wasaaruhu awoodda saarayo Taageeradda Dowladaha deeqaha ugu badan siiya Dowladda Federalka iyo sidii ay gacmihiisa ugu soo dhici lahaayeen Deeqaha Caalamka ugu talagaleen Hiigsiga 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com