Ciidamo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya oo dheef isku laayay + FAAH-FAAHIN

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday Seddex kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib iska hor imaad dhex maray Ciidamo ka wada tirsan Milatariga Somalia.

Iska hor imaadka ayaa ka dhashay bixinta Mushaaraad loo qeybinaayay Ciidamada, waxa uuna ka dhacay iska hor imaadka Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, gaar ahaan Xerada 21-aad  ee Magaaladaasi Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa waxaa ka warbixiyay Sulub Axmed Diiriye oo ah Taliyaha Ciidamada Milatariga Ee Xerada 21-aad waxa uuna sheegay in dagaalka uu ka dhacay xirada.

Waxa uu Tilmaamay in Ciidamada ay isku qabteen nidaamka lagu bixinaayay mushaarka, waxa uuna sheegay in Falkaasi ay u xireen ilaa 7 Askari oo ka mid ahaa Ciidamadii Shaqaaqadu ay ka dhalatay.

Dhanka kale, Sulub Axmed Diiriye waxa uu sheegay in hada Xaalada Goobtii uu Iska hor imaadka ka dhacay ay tahay mid degan oo Ciidamadii Falkaasi sameeyay qaarkood Gacanta lagu dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com