EU-da oo ka walaacsan hoggaamiye si aad loo doonayey oo ay sii daysay DFS

Brussels (Caasimada Online) – Hadal Qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Midowga Europe ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin wararka sheegayo in dhawaan la sii daayey Hoggaamiye-burcadeed oo lagu hayey magaalladda Muqdisho.

Bishii August 18-dii ee sannadkan ayaa Hoggaamiye burcad-baddeed lagu magacaabo Mohamed Osman Mohamed “Gafanje” lagu soo qabtay Hawlgal ay Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Federalka ka fuliyeen Xaafadda Laba Dhagax ee Degmadda Wardhiigley ee magaalladda Muqdisho.

Ururka EU-da waxay ku booriyeen Dowladda Federalka in loo baahan yahay in la soo af-jaro cafisyadda loo fidiyo Hoggaamiyayaasha Shabakadda Burcad-baddeeda iyo in la xoojiyo Sharciga iyo jadwalka shaqo ee dacwad-ku-soo-oogidda Burcad-baddeeda.

Waxay kaloo ugu baaqeen Dowladda Federalka in la qaado tallaabooyin lagu asaasayo Jadwalka Shaqo ee Sharciyadda lala beegsanayo Burcad-baddeeda.

Dhinaca kale, EU-da waxay War Saxaafadeedkooda kaga digeen cabsida cusub ee Tahriibinta dadka, dhoofinta sharci-darradda ee dhuxusha iyo hubka fudud.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com