Fal naxdin badan oo argagax galiyay bulshada oo MUQDISHO ka dhacay !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya  Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah uu wiil kale oo uu abti u ahaa ku gubay gudaha Degmada.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Wiilka la gubay lagu magacabi jiray Cali Ibraahim Raage iyadoona kan wax gubay oo lagu magacaabo Mahad Cali Barre.

Gubida wiilka ayaa imaaday markii uu muran ka dhex dhashay wiilka lagubay iyo kan waxgubay, waxa uuna ka bilowday kadib markii mid walba isku dayay inuu kan kale guriga ka saaro.

Mako oo ah Hooyada dhashay wiilka lagubay oo arrintaasi ka hadleysay ayaa waxa ay tiri “Wiilkeyg markii uu iska soo fiidsaday xalay oo uu casheeyay ayuu seexday, saakay salaadii subax ayaa la arkay isagoo jirka iyo gogoshiisiiba ay isku bur-bureen, korkii dhan wuu karay, indhihii waa kareen, qof walba oo soo gala gurigana waa ashahaatay markuu arkay sida ay wax u dhaceen,”

Dhanka kale, gubida kadib ayaa waxaa hooyga gaaray Ciidamada Boliiska degmada Howlwadaag waxa ayna durbadiiba ku dhaqaaqeen baaritaano lagu xaqiijinaayo qisada ka danbeysay gubida wiilka waxa ayna ku gacan seeren inay gacanta ku dhigaan wiilka falka naxdinta leh geystay.

Falkan ayaa waxa uu noqonayaa mid mudooyinkaani kusoo laalaabta Magaalada Muqdisho, waxaana inta badan dhacda dumar iyo garooda isu adeegsada dab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com