Barre Hiiraale oo wada qorshe cajiib ah oo DF Somalia dhabar jab ku ah (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar aan kahelnay saraakiil ku dhow Col. Barre Hiiraale ayaa waxa ay sheegayaan in Barre uu wado qorsho cusub uu uga kaaftoomayo DF iyo Maamulka KMG Jubba.

Mid ka mid ah saraakiisha oo arrin jirta awgeed uga gaabsaday magaciisa, ayaa waxa uu sheegay in Barre Hiiraale uu wado qorsho uu Ciidamada Beesha Sade uga jira DF uu kula wareegayo.

Waxa uu sheegay sargaalka in qaar ka tirsan Ciidamada Militeriga ee Beesha uga jiro DF ay bilaaben inay u dhaqaaqaan dhanka Kismaayo, iyagoona kasii aadaya Dulleedka gaar ahaan deegaanka Goof-weyn, waxaana lagu wadaa in Ciidamadaasi ay ku biiri doonaan kuwa Barre Hiiraale ee dagaalka kala soo horjeeda Axmed Madoobe, inkastoo ay dhabarjab ku tahay Dowlada Federaalka ah.

Waxaa sidoo kale iyana jira ciidan kale oo ka mid ah kuwa dowladda ee gobolka Gedo, oo iyana usoo goosanaya dhanka Barre, sida uu sarkaalka sheegay.

Arrintaani ayaa waxa ay ka danbeysay kadib markii Axmed Madoobe uu diiday in Ciidamada Barre Hiiraale ka jooga Kismaayo dib loogu celsho Xarumaha ay ka degnaayeen deegaanka goob-weyn.

Waxaa hadda kacsan xiisadda u dhexeysa Barre Hiiraale iyo axmed madoobe, waxaana dulleedka iyo daafaha Kismaayo ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoona ay Saraakiisha Barre wadaan dagaal ka dhan ah kuwa Raaskambooni.

Xiisadaani ka dhex taagan labada garab ayaa waxa ay dib usoo cusboonaatay, kadib markii Afar maalin ka hor ay Ciidamada Raaskambooni duullaan gaadmo ahaa ku qaaden xarumaha ay Goob-weyn uga sugan yihiin kuwa Barre hiiraale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com