C/Weli oo Kenya la furay wada-hadallo halis ku ah badda Somalia (Xog cusub)

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu booqasho ku jooggo Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Kenya uu kala hadlaayo arrinta Badda Somaliya.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa casuumaad uu ku kili yahay waxa uu ka helay Dowladda Uhuru Kenyatta, mudadii uu booqashada ku joogay Magaalada Bujumbura ee Xarunta Burundi, iyadoo uu halkaa maalmo ka hor kaga tallaabay Nairobi.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya, ayaa sheegay in lagu soo baraarugay booqashada uu Ra’iisal Wasaaruhu ku tagey Magaalada Nairobi, isla-markaana uu iska soo reebay xubno Wasiiro ahaa, oo ku kaabaayay socdaalkiisii Bujumbura.

Madaxtooyadu waxay kaloo ogaatay in Ra’iisal Wasaaraha ay la socdaan xubno ku dhow dhow, oo laga tilmaami karo, sida Xogheynada iyo ilaaladiisa gaarka ah, kuwaa oo markii horeba ka raacay Magaalada Muqdisho, Talaadadii hore.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa kulamo gaar gaar ah Magaalada Nairobi kula qaadanaaya Masuuliyiinta Dowadda Kenya, iyadoona ay soo baxayaan warar sheegaaya in Kenya ay balanqaaday inay ka qafiifin doonto, mowjadaha siyaasadeed ee ku furan, haddii uu yoolkeedu taageero.

Kenya, ayaa waxay ka dheregsan tahay in Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed uu culeys xoogan ka heysto Madaxweynaha Somaliya, Baarlamaanka iyo beelaha qaarkood, xilli ay u cuntami weyday doorkiisa hogaamineed.

Sidoo kale Kenya, ayaa waxay dareensan tahay in dhaqaali yari ay heysato Xukuumadiisa, isla-markaana waxaa la sheegay inay dooneyso inay kaga faa’iideysato foosha heysata, ayna suurta gal tahay inay ka saxiixdo xadeynta Badda Somaliya. Taa oo Kenya u sahli kareysa inay la wareegto qayb ka mid ah Xeebihii Soomaaliya, haddii uu taageero Baarlamaanka hadda jiraa.

Laakiin Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo intoodu badan saluugsan heshiiska lagu kala qaybinaayo Gobolka Mudug, ayaa waxay u biro tumanayaan Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, iyadoona ay suurta gal tahay in mooshin ka soo diyaariyaan. Waxaana xusid mudan in Xildhibaanada qaarkood ay ka caroodeen heshiiskii ay Xukuumadiisu la gashay shirkadda laga lee yahay Turkiga, sidoo kalana aanu Baarlamaanka hor imaan, tan iyo bishii September oo mar looga yeeray.

Heshiisyo badan oo Xukuumadu la gashay dhinacyo kala duwan, ayaan weli la horkeenin Baarlamaanka Somaliya, haddiiba ay dhacdo in Ra’iisal Wasaaruhu uu heshiis qarsoodi ah la galo Kenya, ayaan looga fadhin inuu horkeeno Baarlamaanka. Waxayse weydiintu tahay heshiiskii miis madow lagu kala saxiixdaa, meeshii looga dhaqmi lahaa.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa horey heshiis ku aadan Badda Somaliya ula galay Dowladdii Mwai Kibaki (Kenya), ha yeeshee ay socon weyday, ka gadaal markii Baarlamaankii Kmg ahaa uu laalay in gorgortan laga galo Xuduudaha Badda ee Somaliya.

Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu laba bilood ka hor, uu Maxkamada Dembiyada Caalamiga ah (ICC), uu u gudbiyay cabasho ka dhan ah qorshaha Kenya ku dooneyso inay kula wareegto kheyraadka Somaliya.

Isha: dhacdo