DFS iyo Puntland oo durbadiiba arrin kale isku qabtay kasdib heshiiskoodii

By Asad Cabdullahi Mataan

Garoowe (Caasimada Online) – Xili dhawaan Magaalada Muqdisho lagu soo afmeeray shir looga hadlaayay Arrimaha garsoorka Somalia, ayaa waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Maamulka Puntland, oo wax aysan aqbali karin ku tilmaamay.

Dr. Maxamuud Xasan Cismaan oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland ayaa sheegay in shirkii kusoo gabagaboobay Magaalada Muqdisho ee looga arrinsanaayay Garsoorka uu yahay mid aan la waafajin wadadii loogu tallo galay.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in shirkaasi gabi ahaanba aan waxba ka jirin, islamarkaana ay kasoo horjeedaan ka maamul ahaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Dr Maxamuud oo arrintaasi kusii fogaaday ayaa waxa uu sheegay in wixii kasoo baxay shirkaasi aanay dhankooda raali ka ahayn, islamarkaana ay tahay arin u gaar ah cidii wadatay.

Masuulkan ayaa sheegay inay muhiim tahay in lakala saaro shaqooyinka hay’adaha fulinta iyo garsoorka si loo qabto shaqooyinka loo igmaday, wuxuna ku tilmaamay shirka Muqdisho ka dhacay mid aan wax badan samayn doonin.

Diidmada Puntland, ayaa imaneysaa maalmo un kadib markii maamukaas iyo DF Somalia ay heshiis lagu soo afjaray khilaafkii labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe, waxaan warka kasoo baxa Puntland uu muujinaya sida labada dhinac ay ugu nugul yihiin khilaafka

Wasaradda Dastuurka iyo garsoorka DFS ayaa dhowaan magaalada Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo xeerka nidaamka garsoorka iyo xeerka samaynta  maxkamada Dastuuriga kaasoo markii danbe gudoomiyadda maxkamadda sare Abuukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf ka hor yimi kuna tilmaamay in wasarad ka mid ah xukumadda Cabdiwali Shiikh Axmed faraha lasoo gashay shaqadii garsoorka dalka.

Qodobada kasoo baxyay shirkaas ayaa ahaa.

  • In baahi adag loo qabo dib u habeynta xeerka nidaamka Garsoorka dalka iyadoo la waafajinaayo nidaamka Federaalka ee dalka u degsan.
  • In si haboon loo kala saaro awoodaha Maxkamdaha xeerka Federaalka iyo kuwa gobollada.
  • In erey bixin iyo dib u eegis lagu sameeyo garsoorka iyadoo la adeegsanaayo luuqad qaanuuni ah.
  • Waxaan taageeraynaa in la dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah sida uu qabo dastuurka dalka isla markaana laga jawaabo baahida loo qabo Maxkamadaaas.
  • Waxaan soo dhoweynaynaa in dib u eegis iyo dib u habeyn lagu sameeyo dhammaan hay’adaha garsoorka ee dalka .
  • Waxaan soo dhoweynayaa dadaalada ay waddo Wasaaradda Garsoorka kuwaas oo lagu hormarinaayo hay’adaha Caddaalada ee dalka.
  • Waxaan soo dhoweynaynaa dhamaan dadkii ka qeyb qaatay soo saaridda qodobada oo uu ugu horeeyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
  • Waxaan xukuumadda Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay ku dadaasho qodobadan.
  • Waxaan Barlamaanka Soomaaliya ka codsanaynaa in ay ansixiyaan xeerka laga soo saarey shirkan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com