Xubno ka tirsan DF oo rartay qamrigii gacanta lagu dhigay + Magacyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Maamulka Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa inoo xaqiijiyay in Qamrigii kasoo dagay Dekada ay qeybo kamid ah ka qaaten Mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo Saraakiil ciidan.

Ilo-wareedka ayaa xaqiijinaaya in Mas’uuliyiin ay kamid ahaayen Maxamuud Sheegow, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Benaadir Xaashi Cilmi ay gaadiidkooda ku gurteen Kartoomo ay ku jireen Qamri kuwaasi oo laga dajiyay markab kusoo xirtay Dekada oo waday Laba Konteenar oo qamri ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiintaasi ay qaar burburiyeen, halka qaarna ay la aadeen guryahooda, waxaana la soo warinayaa in Ciidamada AMISOM qaar laga siiyay Qamriga.

Dhanka kale, Hogaanka ilaalinta canshuuraha ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen labo sano ka hor markii laga soo dejiyay dekadda magaalada Muqdisho Qamriga, si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo qatarta Maandooriyahan, ayna u faraxsanyihiin in Maxkamaddu ay fududeysay bur burinta maandooriyahan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com