Faysal oo sheegay sabab yaab leh oo ku kaliftay reer Somaliland inay doorasho uga qeyb-galaan Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay sababta keentay in dad kasoo jeeda Somaliland ay Muqdisho uga qeyb-galaan doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay ku sugan yihiin xaalad niyad-jab ah, taasina ay ugu wacan tahay inay Muqdisho u aadaan inay doorasho ka qeyb galaan.

“Waxaa Muqdisho ka dhacay waad aragtaan doorashadii aqalka sare ee Somaliland, yaa dooranaya, salaadiin aynaan garanayn ayaa dooranaya, halkee ayaa lagu dooranaya Xamar, aqalka kale ee sare ee Soomaaliya waxaa lagu doortaa degmooyinka, imika waxaa inaga firfircoon kuwii Xamar tagay, ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaan maqlay Ardaa Ciidagalo ah oo lahaa waa nala dhacay cadaalad baanu u baahan nahay, Farmaajo waa nala dhacay, waa lagu tartamayaa, taasi waxay ku tasayaa in Shacabkeenii niyad jab ku dhacay, Shacabkeena niyad jabka ha laga daayo oo Dawladdu rajo ha u abuurto, rajo ayey dadku ku nool yahay.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa horey sheegay in xukuumada Somaliland ay ogtahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb gashay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in xubnaha la doortay aysan matalin Somaliland isla markaasna aysan wax shaqo ah ku laheyn.

“Reer Soomaaliya waxaan leeyahay, waxaan aad meesha yar ee halka kiilo mitir ee ajaanibku ilaalinayo  ku wal walaaqaysaan, kama aqbalayno, inamana qabato in 20 inan oo qarankan ka falaagoobay la yiraa way ina matalayaan, inamana ma talaan,” ayuu yiri Saylici.

Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in QM ay goobjoog ka noqoto doorashadaas, waxayna xubnaha indhaha qarsaday ee doorashada ka qeybgalay ugu hanjabtay in la ogyahay lana xiri doono marka ay Somaliland tagaan.