Daawo: Puntland oo fariin xasaasi ah u dirtay Muuse Biixi kadib raafkii billowday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo dadka reer Laascaanood ugu baaqay inay deg deg uga laabtaan go’aankii ay ku tarxiileen boqolaal qof oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo ku eedeynaya inay yihiin Shabaab.

Guddoomiye Cabdiladiif ayaa sheegay in qof ka yimid Bay iyo Bakool inta qof ku dilo Laascaanood in uusan isku sii dhex qari karin, taasna uu xaqiiqsaday intii ay Gaalkacyo ka qadeen howlgalkii ciribtirka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in kooxihii Gaalkacyo dadka ku laayn jiray ay ka soo jeedeen deegaanka, balse Al-Shabaab ay abuuri jireen tuhun marin habaabin ah, kaas oo dadka aan deegaanka u dhalan dusha looga saarayo dembi aysan gelin.

“Hadii dadkaan la tarxiilayo la leeyahay dadkii lagu dilay Laascaanood oo cid dishay aan la aqoon iyagaa laayey, taas anagaa soo xaqiijinay oo gobolka Mudug ayaan ku xaqiijinay, dadkii Mudug lagu dilay jiray gacan kama geysan hal qof oo koonfur ka soo jeeda, reer Mudug ayaa dadka layn jiray, hal qof oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo Shabaab ah ma aanaa qaban, ma dilin, mana joogo deegaankaan,” ayuu yiri Sanyare.

Waxa uu sheegay in sida isaga aysan ugu suurta geleyn inta Baydhaba tago oo qof ku dilo, inuu ku noolaado, aysan reer Koonfur Galbeed ugu suugta geleyn inay ku noolaadaan Laascaanood inta dad ku dilaan.

“Shabaabka ayaa dadka marin habaabinaya, waxa Laascaanood dadka ku laaya waxay idinkaga dhigayaa reer Koonfur Galbeed, laakiin anigu uma maleynayo, dadka hadii amni daro looga cabsado si kale ayaa loo koontorooli karaa, laakiin saan waa tallaabo aad u xun oo laga qowmameeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Ugu dambeyntii guddoomiye Sanyare ayaa fariin u diray madaxweyne Muuse Biixi, isagoo sheegay in reer Somaliland ay dhibkaan iyo qaxa dadka Soomaaliyeed uga horeeyeen, waxuuna ka  dalbaday in jidkii qaraaraa uusan maanta marsiin dad Soomaaliyeed oo aan waxba ka galabsan.

“Waxaan halkaan fariin uga dirayaa Madaxweyne Muuse Biixi. Muusow qaxooti waad istaqaanaan, anigu waxaan ahay dadkii Booda-dheere, Gaashaamo iyo Gorgor raashinka geyn jiray sanadkii 1988-kii, Soomaali idinkaa dhibaato ugu hor maray ee ka joog,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiladhiif Muuse Nuur.

Waxuu intaas ku sii daray, “Qof saakay gurigiisii ka soo shaqa tegay ee suuqa laga qabtee la tarxiilay, dhibaatada ay leedahay iyo cuqubada ka dhalan karta waa garneysaa, walaalow Ilaahey uga baq arrintaan oo dadkaas dhibaatada lagu hayo hoos u fiiri, nin oday ah oo qaar ka mid ah umadda Soomaaliyeed xukumaa tahay, ee dadka ku hoos jooga naxariis u samey.”

Hoos ka daawo