Fernando Torres oo kusii jeeda kooxda Anzhi Makhachkala.

Fernando Torres ayaa wadada u geli doona inuu aado dalka Ruushka hadii uu  tababare Rafa Benitez ku guul darreysto inuu badbaadsho shaqadiisaChelsea, sida uu qoray wargeyska Sunday People.

Anzhi Makhachkala ayaa diyaar u ah inay qaadato weeraryahanka xulkaSpainkaasoo hada cadaadis fara badan ku saaran yahay Horyaalka Premier League.

Tababare Guus Hiddink oo leyliya kooxda reer Ruush ayaa xiriir fiican kala dhexeeyaa milkiilaha Chelsea Roman Abramovich labada nin ayaa la faham san yahay inay ka wada xaajoodeen xaalada adag ee xidigaan ku heysataStamfordBridge.

Maalqabeenka u dhashay dalka Ruushka ayaa xidigaan 50 milyan oo ginni kaga soo qaatayLiverpool.

Abramovich ayaa rajeynaayey inuu tababare Benitez soo celsho qaab ciyaareedkii wanaagsanaa ee Torres – laakiin midaasi ma aysan shaqeyn Anzhi ayaana diyaar u aha inay la saxiixayto Fernando.

Kooxdaan ayaa heysata ciyaaryahan magac leh oo weerarka ka ciyaara sida Samuel Eto’o  tababare Hiddink ayaase qorsheynaya inuu dhamaadka xilli cyaareedkaan iska casilo kooxda.

Taas ayaana saaameyn doonin inay soo qaataan Torres, sababtoo ah Agaasimaha Ispoortiga ee kooxda ninka reer Brazil Roberto Carlos – ayaa sidoo kale diiradu u saaran tahay Torres.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.