Beckham oo qarka u saaran inuu ku biiro Paris Saint ­Germain.

David Beckham ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Paris Saint ­Germain inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan, sida uu qoray Daily Mirror.

Kooxda ka dhisan Faransiisa ayaa rajo ka qabta inay xidiga dalka England lasoo saxiixdaan bisha soo aadan markaas oo uu ka tegaayo LA ­Galaxy.

Beckham ayaana shakhsi ahaan kooxda kula taliyey inay bedelkiisa lasoo saxiixdaan Kaka.

Kooxda ciyaarta horyalka MLS Galaxy ayaa xaqiijisay xiisaha ay u qabto Kaka, laakiin wargeyska Sunday ­Mirror Sport ayaa daaha ka qaaday inuu Beckham kooxda u sheegay talada ay kula soo wareegayaan xidigii hore eeMilan.

Beckham ayaa kubada sameeyey kala hadkay wax quseeya Horyaalka Major League Super wuxuuna u sheegay sida ay nolashiisu tahay.

Sidoo kale waxaa la faham san yahay inuu xidiga reer Brazil wadahadalo aan toos aheyn la yeeshay saraakiil ka socota Galaxy.

Galaxy ayaa sidoo kale dooneysay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Frank ­Lampard, laakiin xiriirka ciyaaryahankii hore ee Man Utd kala dhexeeya Kaka ayaa noqon karta inuu raasumalka yimaado kooxdaan.

Ilo ku dhow kooxda Mareykanka ah ayaa sheegaya inay nasiib darro ku aheyd Galaxy inay isku dayeen lasoo saxiixashada labadaan ciyaaryahan Kaka iyo Lampard, dalabkoodii xidiga kooxda Real Madrid ayaana laga soo diiday.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.