Arsenal oo dooneysa inay Janaayo dalab u dirto Lampard.

Frank Lampard ayaa suuqa kala iibsigu marka uu furmo wuxuu diirada u saaran yahay kooxda Arsenal, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa doonaya inuu lasoo wareego 34-jirkaan qadka dhexe uga ciyaara kooxdaChelsea.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ku jira sanadiisii ugu dambeysay ee qandaraaska kooxda Stamford Bridge, tababaraha cusub ee Blues Rafa Benitez ayaana horaan daaha ka qaaday inuu xidigaani six or ah kooxda uga tegi doono dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wenger, ayaa baadi goob ugu jira ciyaayahan uu ku kabo da’yarka kooxda Emirates sida Jack Wilshere iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Benitez ayaa ku faraxsanaan lahaa inuu sii heysto Lampard ilaa bisha June markaas oo uu qandaraaskiisu dhamaanayo wuxuuna ku tegi karaa si xor ah.

Lampard ayaa dhaawac kasoo kabsanaayey tan iyo markii Benitez yimidStamfordBridgelaakiin tababaraha ku meel gaarka ah ayaa kalsooni ku qaba inuu halyeeygaan qadka dhexe usoo kabsado kulanka Champions League ay arbacada la dheelayaan Nordsjaelland.

Lampard ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo LA Galaxy waxaana sidoo kale diirada saaran karta kooxda QPR hadii ay ku guul darreysato saxiixa David Beckham, balse wuxuu isku sii diyaarin karaa inuu sii joogo Yurub.

Go’aanka Wenger ayey ku xiran tahay hadii uu Lampard dalab u diraayo Janaayo marka uu suuqu furmo.

Lampard ayaa ah xidig wax badan ka yaqaana qaab ciyaareedka Premier League. Halka la sheegayo inuu tababare Wenger diirada u saarnaa xidigaani inta uusan 11 ka hor West Ham kaga soo biirin kooxdaStamfordBridge

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.