Jose Mourinho oo qarka u saaran inuu ka tago Real Madrid.

Jose Mourinho ayaa qarka u saaran inuu dagaal ciyaartoydisa hareeyey awgeed uga tago kooxdiisa Real Madrid, sida u qoray wargeyska Daily Mirror.

Ilo ku dhow Real Madrid ayaa inay tahay waqtigii uu Jose Mou ka tegi lahaa kooxda Bernabeu, ka hor inta aan la ruqseyn ama shaqada laga ceyrin.

Taasi micnaheeda ayaa loo qaatay in labada tababare ee caalamka ugu wanaagsan Mourinho iyo tababarihii hore ee Barceona Pep Guardiola, ay qarka u saaran yihiin inay xagaaga soo aadan yimaadaan horyaalka xiisaha badan ee Barclays League.

Chelsea, Manchester City iyo United ayaa doonaya Guardiola halka Mourinho la sheegayo inay lacag Rikoor ah ku rabaan maalqabeenada iska leh kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain.

Wargeyska Sunday Mirror Sport ayaa daaha ka qaaday in xiriirka kala dhexeeya tababare Mourinho daafaca kooxda Real Sergio Ramos uu tegitaankiisa qeyb ka yahay halka ay sidoo kale is afdhaafeen gool haye Iker Casillas.

Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkaan isna sheegay inuusan ku faraxsaneyn joogitaankiisa Los Blancos.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.