29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 21, 2026

Masar oo digniin culus u dirtay Somaliland kadib qorshaha safaaradda Qudus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa si adag uga hortimid qorshaha maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu safaarad uga furto magaalada Qudus, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid ka hor imaaneysa shuruucda caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Qudus ay tahay dhul Falastiiniyiintu leeyihiin oo Israa’iil ay qabsatay tan iyo sanadkii 1967-kii, isla markaana aan la aqbali karin wax tallaabo ah oo wax ka beddeleysa xaaladda sharci ee magaaladaasi.

Masar ayaa maamulka Somaliland uga digtay furitaanka safaarad ku taalla Qudus, iyadoo sheegtay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay dhaawacayso dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in xal waara loogu helo arrinta Falastiin.

“Tallaabadan waa mid jebineysa shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka Qaramada Midoobay, waxaan caddeynayna in Qudus tahay dhul ay leeyihiin Shacabka Falastiin oo la heysto tan iyo sannadkii 1967,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in go’aan kasta oo looga gol leeyahay in lagu beddelo taariikhda iyo xaaladda sharci ee magaalada Qudus uu yahay “mid baadil ah oo aan wax saameyn sharci ah lahayn.”

Dhanka kale, dowladda Masar ayaa mar kale ku celisay taageerada ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si cad uga soo horjeesatay tallaabo kasta oo wiiqeysa qaranimada Soomaaliya.

Hadalkan kasoo baxay Qaahira ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dalal kale oo caalami ah ay si weyn uga horyimaadeen qorshaha maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu safaarad uga furto magaalada Qudus.

- Advertisement -

Read more

Local News