Man Utd iyo Spurs oo isku heysta daafaca Udinese Benatia.

Mehdi Benatia ayaa diirada u saaran kooxaha Ingiriiska ka dhisan Manchester United iyo Tottenham xidiga kooxda Udinese Mehdi Benatia ayaa soo dhoweeyey wararka la xiriirina midkood kooxaha Manchester United ama Tottenham inta uu Janaayo suuqu furan yahay, sida uu qoray wargeyska Metro.

Ciyaaryahaka ku dhashay Faransiiska balse asal ahaan kasoo jeeda dalkaMoroccoayaa 20 kulan u saftay xulkiisa waana mid ka mid ah daafacyada heerka caalami ee Yurub ka ciyaara, wuxuuna 2010kii Udinese kaga soo biiray kooxda Clermont.

Waxaa sanadihii lasoo dhaafay daafacaan si aad ah loola xiriirinayey kooxaha ugu tunka weyn Spanish-ka Real Madrid iyo Barcelona, halka la ogyahay in kooxaha Premier League ay wakiilo daawada u dirayeen xidigaan 18kii bilood ee lasoo dhaafay.

Hadii ay Udinese Janaayo midkood United ama Spurs ka iibineyso daafacaan waxaa la ogyahay inay ku xiri doonto madaxiisa 15 milyan oo ginni.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.