Rafa Benitez oo ka cabsanaya in Chelsea laga ceyriyo.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Rafa Benitez ayaa qirtay inuu ka cabsanaayo in shaqadiisa uu waayo ka dib markii uu guulo gaari waayey sedaxidiisii kulan ee ugu horeysay Blues.

Tababaraha reer Spain ayaa laba kulan oo goolal la’aan ah kooxdiisu la dhaafi weysay Manchester City iyo Fulham halka uu guul darro 3-1 ah shalay kala kulmay West Ham ka dib markii Roberto Di Matteo laga reecdeeyey Stamford Bridge.

Markii wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa ka dib kulankii sabtida ee Upton Park, wuxuu yiri: “Marka koowaad ma ihi boqolkiiba boqol. Ma aanan ku guuleysan kulankaan muhimka ah.

“Waxaan dhihi karaa waxay ku xiran tahay waxa aan garoonka ka sameyno. Marka hadii aan garoonka wax fiican ka sameyno, qof walba wey u fududaan doonta.”

Tababaraha kooxda West Ham Sam Allardyce, oo kooxdiisa qeybtii hore ee ciyaarta gool looga hugaaminaayey, laakiin qeybtii labaad isbedel sameeyey, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inuu Benitez u baahan yahay inuu soo jiito tageerayasha Chelsea intii uu kooxda guulo ku hugaamin lahaa.

“Kooxda ma leylin kartid hadii aysan taageerayaashu garabkaaga taagneyn. Hada ka hor ma aysan dhicin. Wadada keliya ee aad taageerayasha ku heli karto waa inaad guulo gaartaa.

“Hadii aad guuleysato taageerayaashu mar walba waa kaa dambeyn doonaan.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.