Jaaliyada Mataan Cabdule ee Holland oo taageertay talada Malaaqa.

Jaalilayada Soomaaliyeed ee Mataan Cabdulle ee Dalka Holland, ayaa waxaa ay siweyn u taageereen hadal dhawaan ka soo yeeray Malaaqa Xamar iyo Xamr daye Malaaq Ali Malaaq Showri.

War qoraal ah oo jaaliyada Mataan Cabdulle  ee Holland ay soo gaarsiisay Saxaafada Maanta ,ayaa waxaa lagu sheegay in Jaaliyada ay taagerayaan warka ka soo yeeray Malaaqa oo ahaa in Maamul u sameynta Gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir ,lagala tashto Mushtamaca degan deegaanadaasi laguan tixgiliyo.

Jaaliyada ,ayaa waxa ay sidookale soo jeedisay in loobaahanyahay in dowlada Federaalka Soomaaliyeed ay si taxadar leh u gu fiirsato Armimaha Maamul u sameynta  Gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir waxaana ay hoosta ka xaqriiqeen in Isbadalka Wadanka Ka dhacay ay aad ugu kol sooniyihiin ,ayna daneynayaan in wax badan laga badalidoono armimaha Maamul usameynta Gobalada aan Sooxusanay.

Jaaliyada ,waxaa ay sidookale soo jeejeedinayaan  in Madaxda ugu sareysa Dowlada Soomaaliyeed ay Taageeraan Hadalka Maalqa 2da shabelle iyo Gobolka Banaadir si looga fogaado Cadaalad Dari mesha ka dhalata.

Ugudanbeyntii qoraalka Jaaliyada Mataan Cabdulle ee Holland waxaa ay ku soo dhaweyeen kuna taagereen Isbadalka Ka dhacay wadanka Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.