Feysal Cali Waraabe: Intii aan Soomaliya la midoobi laheyn waxaa noo dhaanto anagoo ku biirno dowladda….

Hargeysa (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe oo ah shaqsi hadaladiisa ay la yaabaan dadka oo dhan ayaa markaan ka dhawaajiyey arrin yaab badan oo ka duwan wixii hore.

Feysal Cali Waraabe ayaa ka dhawaajiyey   in Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya oo xarun u ah Dowladda soomaliya ay ka door bidayaan inay ku biiraan Dowladda imaaraadka Carabta.

Wuxuu tilmaamay intii ay Soomaaliya ka mid noqon lahaayeen inay u dhaanto ku biirista Imaaraadka Carabtay, wuxuuna hadalkaan noqday mid ay dadka oo dhan ku tilmaameen hadal aan fadhin.

Wuxuu yiri Feysal  “Waa todobo Imaaraadku Carabta ee midkii 8-aad ma noqonaa ayaan isleenahay, Dowladda Muqdisho ka Talisa waxaan ka dooran laheyn Dowladda imaaraadka Carabta oo xiriir wanaagsan uu naga dhaxeeyo”.

Wuxuu ka dhawaajiyey inuu hadalkaan u dirayo cid kasta oo rajo ka qabto inay Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya, wuxuuna digniin u diray dadka howshaas wado.

Feysal ayaa si Kululu Dhaleeceyay Dowlada Soomaliya ee uu Hoggaanka ka yahay Madaxweyne Farmaajo isagoona shegay in soomaaliya inta ay sidan ku jirto aysan ka soo kabsan doonin dhibaatoyinkii ay soo martay, loona baahan yahay in la helo madax kale oo dalka wax u qabato.

Hadalka kasoo yeeray Feysal ayaa muujinayo halka uu gaarsiin yahay go’aanka Somailand ee ah inaysan dib ula midoobi doonin Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com