Kheyre oo ku dhawaaqay arrimo cusub oo DF ay billaabeyso dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay bilaabi doonto talaabooyin lagu dardar galinaayo howlaha Qaranka iyo shacabka loo hayo.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay wadaan qorshooyin looga hortagaayo habacsanaan ku imaada shaqooyinka waxa uuna tilmaamay in howlaha la qaban doono ay noqon doonaan kuwo i tusiyoo i taabsii ah.

Waxa uu sheegay in Xukuumadu ay meesha ka saari doonto dhammaan howlaha hakatka ku jira waxa uuna cadeeyay inay ka go’an tahay inay la imaadaan shaqo hifan oo lagu sara qaadaayo howlaha Qaranka iyo kuwa loo hayo dadka shacabka ah.

Waxa uu tilmaamay inay aad uga soo horjeedan eedeymo Xukuumada uga imaada dhanka Shacabka, si taa aysan u dhicina ay qaadi doonaan talaabo waliba oo lagu qancin doono shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu meesha ka saaray inay dhici doonto howlo dhibaato uga imaankarta shacabka waxa uuna cod dheer ku sheegay in Xukuumadu ay xoogeeda isugu geyn doonto qancinta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Xukuumadu aysan shaqeyn karin haddii aysan garab ka heysan shacabka Soomaaliyeed, si looga miro dhaliyo arrintaasi ay u sameyn doonaan wax waliba oo lagu qancin karo shacabka howsha loo hayo.

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa imaanaya xili dhawaan Golaha Wasiirada ay shaaciyeen inay la xisaabtami doonaan shaqaalaha wasaaradaha si shacabka loogu qabto shaqooyin hufan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com