Falanqeyn: Tolow Turki talo qoran ma la tagnay?

Aad baan ugu farxay, ogaalka socdaalka MW ku tagay dalka Turkiga, oo ka mid ahaa wararka aan muddaba u dhagataagayey. Runtase farxadda waxaa iigu lammaansaneed weydiimo iyo waxoogaa yaroo walaac ah.

Waydiimaha in aadan igu la yaabayn waan filaa, ee aad is leedihiin, maxaa walaaca kuugu wacan, haddiiba wax aad hamminaysay la hirgalinyo? Sax. Wax walaaca iigu wacan, in aan ka cabsiqabo, in sidii shalay kanshooyin badan loo lunshay, in mar kale la lunsho.
Marka hore, HOGGAAMIYAHA iyo shacabka Turkiga naga wada gaarsii salaan, mahdin iyo bogaadin walaalnimo, una sheeg, in aan abaal badan, oo weyn u haynno mar iyo marxalad walba.

Ka dib, waxaa i la habboon, in wadahadalka la la galayo Turkiga iyo heshiisyada la la galayo aysan ka marnaan qodobbadan hoose;

– dhismaha Golaha Shacabka; in ay ballanqaadeen ka sokow, Hoggaamoye Erdogan, isaga ayey eheed, in uu gu’ ka dib xarigga ka jaro. Ma la is weydiiyey, maxaa dib u dhaca keenay? Ani ahaan waxaan qabaa, in ay tahay DHAQANXUMADEENNA SIYAASADEED, ee aysan ahayn gaabis dhanka Turkiga ah.
– dhammaysirka Saldhigga Militeri, ee Muqdisho. Ogaada, ciidan badan ama xoog leh dani noogu ma jirto, ee inyar, oo daacad ah, ee aan u ka la dacwoon karno, ka la dambayntana soo celiya, inta jirtana suga ayaa nagu filan.
– amniga, tababbaridda ciidamada, qalabeyntooda iyo iskaashi sirdoon oo dhexmara hay’adaha sirdoonka labada dal.
– iskaashiga dhanka diplumaasiyadda iyo arrimaha dibadda ah, sida shirarka UN, OIC iyo hay’addaha kale, ee xiriirrada diblomaasiyadeed.
– sii wadidda wadahadalladii koonfur iyo waqooyi, si loo helo isu soo dhawaasho, loona xaqiijiyo dib u heshiisin dhab ah.
– tababbaridda iyo kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha dowladda dhammaantood, oo diblumaasiyiinta ugu horreeyan.
– warshado iyo farsamooyin, waxsoosaarkooda loo suuqgeyn karo Afrikada bari iyo dhexe. Shirkado maalgelin ah maadama dhaqalaha waddanku soo korayo faa’iidooyin badanna laga sameyn karo dhinacyo badan.
– saddaxda ilo dhaqaale, ee xooloaha, beeraha iyo kulluumaysiga, ee aannaan ka faa’iidin, in ay gacan naga siiyaan, sidii aan uga faa’iidaysan leheen iyo dabcan, guud ahaan khayraadka dalka oo dhan. Si gaara, dhoofinta xoolaha nool, in suuqgeyn loo sameeyo.
– badinta tirada deeqaha waxbarasho, ee ardadeenna la siiyo, iyada oo takhasusyada la ka la badalayo.
– fanka iyo heesha: dhankan aad ayaan uga dhimannay, si loo soo celiyo hannaankii fankeenna, wa in la helo farsamooyin casri iyo agab aqoon loo leeyahay.
– masraxa iyo filimmada, ooba kan dambe aysan waxba nooga billownayn.

Intan iyo kuwo kale, oo ka sii muhimsan, haddii aan la tagno kulanka, hubaal, in aan guuldhaw iyo gallado badan gaaraynno. Waxyaabo waxaa jira aan ka tagay, sida caafimaadka, gargaarka iwm, oo aysan hilmaam iga ahayn, ee ayba hore gacan uga gaysteen, walina wadaan, marka xus u ma baahna, aan ka ahayn ka mahadnaqid.
Abboowayaalow, ma garan doonnaa inaan garwaaqsanno, inaan gacanta iyo garabka Turkiga na loo dhaamin?! Turki la’aani waa TOL la’aan. #TOLNIMADA_TURKIGA!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com