Galmudug oo shaacisay xiliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha

Cadaado (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu qaban doono doorashada wakhtiga loogu tallo galay.

Guddiga ayaa Iclaamiyay in Doorashada ay qaban doonaan 30-ka bishan, waxa uuna Guddigu sheegay inaan suuragal aheyn in muddo intaa kasii badan ay dib dhacdo Doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in DFS ay ku wargaliyeen xiliga ay dhaceyso Doorashada, sidaa darteedna ay si dhaqsi ah ku qaban doonaan Doorashada.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in fulinta jadwalkii Doorasho ee Madaxweynaha Galmudug ay bilaabayaan.

Guddiga ayaa sidoo kale Musharaxiinta Madaxweynaha ugu baaqay inay kusoo xaroodan magaalada Cadaado si ay u bilaabaan Doorashada.

Shalay ilaa maanta ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ka dhoofayay Musharaxiin iyo Xildhibaano dhowr ah, kuwaa oo kamid ah mas’uuliyiinta looga yeeray magaalada Cadaado.

Go’aanka Guddiga ayaa imaanaya xili wakhtigii loogu tala galay inuu ku qabsoomo wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna uu dhamaaday, waxaana muddo saddex cisho ka harsan mudadii loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com