Xog: Maxaa kala socotaa sifaadka lagu soo xulayo 18,000 askari ee xoogga dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa dhawaan isku raacay inla baabi’iyo Ciidanka Militariga ee hada jira, iyadoo lasoo xuli doono ciidamo dhan 18,000 askari.

Ciidamada lagu heshiiyay in lasoo xulo ayaa ku ekaan doona xuduudaha iyadoo la sheegay in looga maarmi doono ciidamada farahabadan ee u diiwaan gishan Hay’adaha amaanka, gaar ahaa Wasaarada Difaaca Xukuumada Somalia.

Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, ayaa ku heshiiyay Sifaad gaara oo lagu soo xuli doono ciidamada waxaana kamid ah:

1-In Askariga uu ahaado mid ka caafimaad qaba dhammaan xanuunada ku dhaca aadamiga sida dhimirka.

2-Inuu yahay Askari horay uga soo qeybqaatay tababarada lagu kordhiyo khibrada Askariga difaacaya dalkiisa.

3-Inuu yahay Askari waxbartay isla markaana heysta shahaado dugsi sare ama gaarsiisan heer Jaamacadeed.

4-Inuu wax ka yaqaan xeerka ciidanka una diiwaangishan yahay Wasaarada Difaaca ama Hay’adaha amniga ee maamul Goboleedyada.

5-Inuu ka dhameystiran yahay dhammaan xubnaha jirka.

Ciidamadaani laga soo kala xuli doona Maamul Goboleedyada dalka ayaa mari doona laba Guddi oo kala ah Guddiga diyaarinta iyo Xulista iyo Guddi gaara oo ay xuleyso DFS kuwaa oo kala shaandheyn doona ciidamada si looga dhex sooco kuwa qaba dhaawaca iyo kuwa Caafimaadka qaba.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, ayaa la filayaa inay ku guuleystaan howshaani, inkastoo ay jiraan caqabado dhowr ah oo kaga imaanaya dhanka BFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com