Farmaajo oo Erdogan ka dalbaday ka jawaabida arrin uu horey u weydiiyey

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa casuumaad Booqasho ah u sameeyay dhigiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaadasi ka sheegay xili uu kulan la qaadanaayay dhigiisa waxa uuna ku wargaliyay in DFS ay casuumaadaasi la gaclootay.

Qoraal kusoo baxay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anatolia News Agency ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Madaxweyne Erdogan inuu booqasho ku yimaado Somalia.

Erdogan waxa uu dhawaan shaaca ka qaaday in Somalia bisha Ramadaan u soo diri doonaan Markab wada 15,000 oo tan oo Cunto iyo Gargaaro Daawo ah.

Dowlada Turkiga ayaa xiriir fog kala dhexeysa Somalia waxa ayna kaalinta koowaad kaga jirtaa dowladaha dhaqaalaha iyo gargaarka la garabtaagan Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ma uusan kulanka ka cayimin xiliga iyo taariikhda casuumada uu u fidiyay Erdogan.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com