Xog: DF oo billowday qorshihii ciidanka (Sidee loo kala siiyey maamulada?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa bilaabay diyaarinta Ciidamada Xoogga ee dhawaan lagu heshiiyay in laga soo kala xulo maamul Goboleedyada dalka.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Wasiirka, ayaa sheegay in diyaarinta ciidamadaani uu amar ku bixiyay Madaxweynaha Somalia si tirada ciidamada iyo sifaadka lagu soo xulaayo loo horgeeyo Madaxda adduunka ee ku ballansan shirka Soomaalida ee London.

Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay in diyaarinta ciidamada uu u sameeyay guddi si xooli ah ula shaqeeya maamul Goboleedyada si aan looga dib dhicin wakhtiga ay ku ballameen Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Ciidamada uu diyaarinaayo Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa loo qaybsan doonaa sida soo socota:

1. Puntland 3,000

2. Galmudug 3,000

3. Hirshabelle 3,000

4. Banaadir 3,000

5. Koonfur Galbeed 3,000

6. Jubaland 3,000

Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa dadaal ugu jira sida uu kusoo xuli lahaa Ciidamo tayo leh oo suuragalinkara in Adduunka laga dhaadhici garab istaaga ciidamada xulka ah.

Diyaarinta ugu badan ee uu wado Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa ah liiska ciidamada, hanaanka lagu soo xulaayo, miisaaniyada ku bixi doonta iyo in ciidamadaasi ay helaan xuquuq buuxda oo aan gaabis laheyn.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaani ayaa waxaa aad u dhaliilsan baarlamaanka Somalia Siyaasiyiinta horay ula soo shaqeeyay dowladihii hore ee dalka soo maray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com