FAYSAL CALI WARAABE oo Siilaany iyo xisbiga Kulmiye dhex-dhexaadinaya

Hargeysa (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Eng Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu isku dayi doono siddii uu qaboojnin laha oo isku soo dhaweyn lahaa xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye oo hadda khilaaf xooggan uu ka dhex aloosan yahay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Feysal Cali Waraabe magaalada Hargeysa ayuu sheegay in uu aad uga xun yahay khilaafka xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in uu khatar ku yahay ammaanka maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in uu ku dedaali doono siddii loo xallin lahaa khilaafka Kulmiye oo hadda labo garab noqday.

Guddoomiyaha xibsiga UCID ayaa carabka ku adkeeyay in falalka ammaan darida ee ka soo cusboonaaday Hargeysa in ay sabab u yihiin khilaafka xisbiga talada haya, wuxuuna sheegay haddii uu khilaaf sii socdo in jahwareer xagga siyaasadda ay soo food saari karto maamulka Somaliland.

Mar la weydiiyay in doorashadda soo socota dib loo dhigo maadama uu khilaaf ka taagan yahay xisbiga madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay ka soo horjeedaan haddii ay yihiin axsaabta mucaaradka ee ka dhisan Somaliland.

Si kastaba, hadalka siyaasiga Feysal Cali Waraabe ayaa ku soo aadaya iyadoo xisbiga Kulmiye uu ka aloosan yahay khilaaf xooggan kaasoo labo gabar ka dhigay oo kala taageersan madaxweynaha Axmed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi.

Tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka waxaa magaalada Hargeysa ka dhacay ilaa seddax qarax kuwaasoo ay dad ku dhaawacmeen.

Wixii intaas ka dambeeyay ammaanka Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan xarumaha muhiimka sidda madaxtooyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com