Magacyada xubno ay Ethiopia dalbatay in lagu daro golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo xog ogaal ah a ayaa xaqiijiyay in liiska golaha Wasiirada cusub ee Xukumadda Somalia lagu derayo shaqsiyaad ku xiran dowlada Ethiopia.

Shaqsiyaadkan uu Jeneral Gabre u gudbiyay Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha Somalia ee Xukumadda Ethiopia dalbatay in Wasaarado muhiima loo magacaabo waxaa ka mida Maxamed Sheekh oo laga dhigi doono Wasiirka Amniga Qaranka Somalia.

Shaqsiyaadka kale ee Jeneral Gabre u gudbiyay Madaxda Dowladda Somalia waxaa ka mida Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo loo magacaabi doono Wasiirka Arrimaha gudaha, Xuseen Xalane oo dib loogu celin doono Wasaaradiisa Maaliyadda.

Sidoo kale ,Waxaa Ra’iisul wasaaraha Somalia la yaab ku noqotay in Dowladda Ethiopia ku hagoogatay Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Xukumadda Somalia Faarax C/qaadir oo safka hore uga jiray Wasiirada la qorsheeynayay inaysan ku soo laaban Golaha Xukumadda Federalka Somalia.

Sooyaalka Dowladnimada waxaa ku asteysan inaan xil qaran lagu aaminin qofkii lagu tuhmo inuu Jaajuus u yahay Dal kale, hase yeeshee waxaa yaab noqotay in Madaxdii Jamhuuriyadda Somalia maanta ku qanacsan yihiin inay xilal Wasiiro ku taxaan shaqsiyaad ay soo gudbisteen Dowlado cadaawad fog kala dhaxeyso Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Inkastoon Wadaniyiinta Muqdisho ku nool ku qaxweeynayaan halku dhiga SHARAFI DHIMATAY hadana sida muuqato Dalka Somalia waxaa maamula Jeneral Gabre oo ka soo jeeda qoowmiyada Tigreega Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com