Feysal Cali Waraabe oo si cajiib ah uga hadlay shirkii Mudullood ee Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa si faahfaahsan uga hadlay shirkii dhawaan beelaha Mudullood ugu soo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho, isagoo  sheegay in uu aad u soo dhaweynayo.

Guddoomiye Feysal waxa uu sheegay in beesha Mudullood uu ku bogadinayo in haatan ay soo baraarugeen, isla markaana ay garteen in iyaga oo kaliya uu canshuuro nin aan tegi karin deegaanadii laga soo doortay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa reer Banaadir, Mudulloodka oo haatan guddi sameystay, waxay ogaadeen in Soomaaliya qolo kasta magaaladoodii ay madaxweyne u sameysteen, tan kaliya ee lawada leeyahana ay tooda tahay, waxaan leenahay nidaamkiina sameysta,  canshuurtiina idinku qaata, wadooyinkiina dhista, amnigiina hagaajista” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Nin deegaankiisii aan tegi karin ayaad u dhiibateen taladii oo dhan, Ra’iisul wasaare ku xigeenkii, maliyaddii, qorsheyntii, intaas oo dhana magaaladiinii ayey qorsheynayaan, Muqdishaa la canshuurayaa, iyadii ayaa albaabada laga xiray, wax laga xishoodo waaye, war iska celiya markii Soomaaliya wax noqoto oo nidaamka lagu heshiiyo, dadkan wax ku darsada.”

Dhanka kale Feysal Cali Waraabe waxa uu saxaafadda deegaanada Somaliland kula dardaarmay inay joojiyaan fidinta wararka been abuurka ah oo uu sheegay in dad cadaw ah ay Somaliland ka abuuraan.

Waxa uu tusaale u soo qaatay afhayeenkii dhawaan u hadlay dowladda Itoobiya, kaas oo uu sheegay in hadalkiisa ay warbaahintu ka soo qaadatay qolo ku tarjumtay af-Carabi , laakiin uusan Somaliland ku tilmaamin xubin ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa uu fariin u diray Weriye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo ka tirsan BBC-da, kaas oo uu ku eedeeyey in Somaliland uu ka fidiyo warar been abuur ah, “War Catooshow Somaliland lagama ma caasho ee ka jooji hagar daamada” ayuu yiri.