Feysal C Waraabe: Booqashadii C/Weli Gaas ee Jig-Jiga waa durbaan qabiil

Nairobi (Caasimada Online) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland UCID, Feysal Cali Waraabe oo ku sugan Nairobi, ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in uu amni daro ka wada Puntland iyo Somaliland,isagoona ku si feeyay booqashadii uu ku tagay Jigjiga in ay la xiriirto durbaan qabiil oo uu doonayo in uu ka hirgaliyo laga billaabi Garoowe, Wardheer ilaa iyo Kismaayo.

“Ninkaa madaxweynaha ka ah Puntland waxaan is lahayn markii la doortay waxbuu ka badali lahaa balse wuxuu wataa durbaan qabiil oo uu doonaayo in uu ku tumo Garoowe, Laasacaanood, Kismaayo iyo ilaa kilanka shannaad” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxaa la weydiiyay wada xaajood in ay la sameeyeen Cabdiweli Gaas, wuxuu yiri “Siddee ayaan u wada xaajooneynaa”

Feysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay madaxweynaha Puntland in isbadal ku sameeyo dhaqanka uu la soo baxay ee ah in uu qabiilkiisa ku baahiyo deeganno ay ku jirto dhulka Ethiopia”Taasna waxa ay dhibaato ku noqon doontaa” ayuu yiri xukuumada Addis Ababa.

Wuxuu kaloo sheegay Feysal Cali Waraabe in Sool iyo Sanaag aaney cid gaar u leh, oo qabiil kasta ayaa deggan ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay in markale Soomaaliweyn loo mideen karo Wuxuu yiri “Muqdisho iyo Hargeysa waxa ay midoobeen sannadkii 1960-kii, waana ay wadashaqeyn karaan iyagoo kala madax banaan oo mala maarmaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe

Ugu dambeyn wuxuuu sheegay intii uu joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya in uu kulamo la qaatay diplomaasiyiin caalami ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com