DASTUURKA uu yeelanaayo maamulka Shabelle State oo galabta la ansixiyay

Afgooye (Caasimada Onine) Deeganka Calamada ee duleedka magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose waxaa galabta lagu ansixiyay dastuurka uu yeelaanyo maamul cusub oo loo dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo loo bixiyay maamulka Shabelle State.

Dastuurka waxaa ansixiyay in ka badan 400 oo ergo kuwaasoo ka kala socotay labada gobal sidda uu soo sheegay wariye ka tirsan Caasimada Online oo ka qaybgalay shirka maanta.

Guddiga shirka ayaa sheegay in maamulka loo dhisaayo labada gobal in uu soo socday muddo lix bil, markana la soo gaaray siddii loo shaacin lahaa maamulka loo sameenaayo labada gobal.

Daah furka shirka waxaa joogay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda labada gobal, waxaana ay taageereen rabitaanka ku dhaqan labada gobal ee ah in ay sameestaan maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin.

Waxaa kulanka ka hadlay odayaasha ku howlan maamul u sameynta labada gobal waxaana ay dowladda Soomaaliya ay ka codsadeen in ay taageerto maamulka ay dhisanayaaan.

Waxaa soo badanaya shirarka maamulka loogu dhisaayo gobalada dalka, waxaana gobalka Shabellaha Hoose uu noqday gobal la isku heesto maamulka uu ku biiraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com