DEG DEG: Dhakhtar caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasomada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Takhtar caan ah caawa lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, ayaa soo sheegay in caawa fiidkii magaalada lagu dilay Takhtar Xasan Diiriye oo caan ka ahaa magaalada Kismaayo.

Takhtarka ayaa la sheegay in ay dileen seddax nin oo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku dilay meel ku dhow gurrigiisa oo ku yaalla bartmaha Kismaayo.

Takhtarka ayaa la toogtay xilli uu ka yimid goob caafimaad oo uu lee yahay meel aan siddaas uga fogeyn gurriigisa, kooxda dilka geesatana waxaa la sheegay in baxsadeen.

Ilaa hadda si dhab ah looma garanaayo cidda dishay takhtarka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

Kismaayo waxa ay noqotay magaalo dadka lagu dilo cidda dishana aan la ogeyn, maamulka magaalada gacanta ku haya waxa uu mar kasta lee yahay ammaanka waxbaab ka qaban doonaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com