Somali ku dhimatay xeebaha Yemen

Sana’a (Caasimada Online)-Warar ay qoreen Isniinta maanta ah Wakaalada wararka caalamiga ah, ayaa sheegaya in ugu yaraan 42-qof oo ah Afrikan ay ku dhinteen Xeebaha Koonfurta Yemen, sidaas waxaa shaaciyay wasiirka gaashandhigga dalka Yemen.

Dooni ay la socdeen dad aad u fara badan ayaa la sheegay in ay ku degtay meel ku dhow xeebta Beer Cali, oo ka tirsan Koonfurta Shabwah goor dambe oo Axadii ahayd, siddaas ayaa lagu sheegay war kooban oo uu shaaciyay wasiirka gaashandhigga Yemen kaasoo lagu daabacay Website-ka  26sep.net.

Ciidamada babadda ee Yemen ayaa soo badbaadiyay ugu yaraan 30 qof oo ah dadkii la socday doonta degtay, waxaana ay geeyeen xero qoxooti oo ku taalla magaalada Mayfaa.

Siddaas waxaa shaaciyay sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka oo la hadlay wakaalada wararka AFP, balse ma jirto xog laga hayo dadka la socday doonta iyo waddamad ay u dhasheen.

Inta badan waxaa isticmaala xeebaha Yemen Afrikan u badan Ethiopian iyo Soomaali kuwaasoo ka soo cararay dhibaatada waddamadooda yaalla ama in lagu rido xukunno kala duwan, waxaana ay doonyo ku soo gaaraan Koonfurta Yemen si ay u galaan dalka Saudi Arabia.

Ku dhawaad 84,000 oo qof oo ka yimid geeska Afrika ayaa gaaray dalka Yemen sannadkii 2012, waxaana ay dadkaas ay rajo ka qabaan in ay helaan shaqooyin ay ka helaan Saudi Arabia aiyo waddamada Khaliijka siddaas waxaa laga soo xigtay hey’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com