Feysal Cali Waraarbe oo sheegay in DF ay Puntland bartay arrin ay ku dhaqanto

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka hadlay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay dalabka Puntland ee ku aadan inay ka mid noqoto Wada-hadalada DF Soomaaliya iyo Somaliland.

Faysal ayaa ugu horeyntii sheegay inaysan guddigaasi waxba ka khuseyn Somaliland, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu ku tilmaamay mid ku jira mugdi ka dhex guuxaya maskaxdiisa.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu ka dhawaajiyey inaysan Farmaajo wada-hadal la galeyn Somaliland, wuxuuna yiri

“Madaxweyne-na maahe ruwaayad ayuu dhigaya Farmaajo, wuxuuna na tusay caqligiisu halkuu joogo, markaad hadaladiisa dhageysato wuxuu ku leeyahay ‘waxay tabanayaan walaalahay’ waxaasina cago badnaanten ina-baday, ismaynu baraneenba Farmaajo iyo reerahoodaba, ninkaasi mugdi buu ku socda”.

“Waxaa ka daranba Puntland oo dal iska dhigaysa oo leh hadii aanu wada-hadalada ku jirin, waxaasina waxa inagu baray maamulka Xamar jooga ee Puntland-ta haya si ay wadan kale ka dhigaya”.

Wuxuuna intaasi kusii daray Faysal “Dadka wadanka u badan baanu heshiis la galeyna ee aynu markii horeba ku darsanay, Nin aan degmo ku lahaynba la hadli mayno”.

Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com