Safiirka Midowga Yurub ee Somalia oo isku beddalay oday dhaqameed reer Yurub ah oo jooga Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo ka mid ahaa Diblomaasiyiin ka qayb-gashay bandhiga carwada Bugaagta Hargeysa, ayaa ka hadlay Nabadgelyada, degganaanshaha  iyo xasilloonida ka jirta Somaliland.

Amb. Nicolás Berlanga Martínez ayaa wax lagu faano ku sheegay waxyaabaha u qabsoomay intii ay jirtay Somaliland.

Safiirka ayaa intii uu ka hadlayay madashaasi si lama filaan ah wuxuu ugu lebistay koofiyadda Odayaasha iyo Cumaamadda Madaxda dhaqanka Soomaalidu qaadato oo uu madaxa iyo garabka saarta.

Wuxuuna talaabadaasi ku muujinayey Safiirku dhaqanka ay ka turjumayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo boqollaal qof oo Soomaali iyo Ajaanib ah ay ku sugnaayeen.

Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Maanta ii oggolaada inaan ahay Oday dhaqameed reer Yurub ah oo Somaliland jooga. Farxad bay ii tahay inaan arko Buugaag ku qoran afaf kala duwan iyo kuwo ay sixitaan ku samaysay xarunta dhaqanka ee Hargeysa”.

Safiirku sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Midowga Yurub ay farxad weyn u tahay inuu Somaliland ka taageero arrimahaasi  “Midowga Yurub farxad bay u tahay inuu taageero arrimaha noocan oo kale ah”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com