Filish oo si yaab leh dadka Muqdisho ugu sheegay in uusan waxba u qabin karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Filish) ayaa ka hadlay cabasho balaaran oo ka dhalatay saameynta roobabkii dhawaan ka da’ay caasimada dalka ee Muqdisho.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan waxba ka qaban karin saameynta roobabkaasi ka dhasha ee uu ku reebo bulshada iyo wadooyinka muhiimka ah ee caasimada, oo xiligaasi isku badala biyo dageeno.

Filish ayaa ku doodaya in arrintaasi wax ka qabashadeeda aysan ku koobneyn dowladda iyo maamulka gobolka, isla markaana lagu haleyn, xili canshuurta ugu badan ee dalka laga qaado bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in roob dhowr bilood ka hor ka da’ay Muqdisho uu caqabado dhowr ah dhaliyay, balse dadaal fara-badan oo ay ku kaliyeysteen ku guuleysteen inay maareeyaan waxyaabihii ka dhashay roobabkaasi.

“Gobalka Banaadir ma awoodo inuu wax ka qabto dhamaan dhibaatooyinka ka dhasha roobka wax badan waan la tacaalnay balse ma ahan awooda dowladda hoose waxaa loo baahan yahay qorshe iyo dhaqaalo lagu fuliyo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

“Markii ay dhacaan dhibaatooyinka noocaan oo kale ah ee ka dhasha roobka oo musiibooyinka ah, in aan maamulka Gobolka iyo dowladaba lagu haleyn ee loo soo wada gurmado waayo maamulka Gobolka kaliya waxba kama qaban karaan, waxaayna u baahan yihiin maareyn dhameystiran oo bulshada oo dhan wax ka qabtaan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in loo soo wada gurmado waayo maamulka Gobolka kaliya waxba kama qaban karaan, waxaayna u baahan yihiin maareyn dhameystiran oo bulshada oo dhan wax ka qabtaan”.

Hadalkaan maanta ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa kusoo aadayaa xilli roobkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho uu burburiyay wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana dadka reer muqdisho laga qaadaa lacagta ugu badan ee Canshuurta ah oo ay hesho dowladda Soomaaliya.